سوره‌ها

جزء

بسم الله الرحمن الرحیم

حم ۱
abduh Waxay ku tusin mucjisada Quraanka.
عسق ۲
abduh Sidoo kale.
كذالك يوحي اليك والى الذين من قبلك الله العزيز الحكيم ۳
abduh Sida waxyiga laguugu soodajiyey Nabiyoow yaa Nabiyadii horana loogu waxyooday, waxaana waxyooda Eebaha adkaada ee falka san.
له ما في السماوات وما في الارض ۖ وهو العلي العظيم ۴
abduh Waxaa u sugnaaday waxa Samada iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa sarreeyaha weyn.
ﭿ
تكاد السماوات يتفطرن من فوقهن ۚ والملايكة يسبحون بحمد ربهم ويستغفرون لمن في الارض ۗ الا ان الله هو الغفور الرحيم ۵
abduh Waxay u dhawdahay Samooyinku inay ku dildillaacaan korkooda, Malaa'igtuna waxau ku tasbiixsan mahadda Eebahood, waxayna u dambidhaaf warsan kuwadhulka ku sugan (Dadka) Eebana waa dambidhaafe Naxariista.
والذين اتخذوا من دونه اولياء الله حفيظ عليهم وما انت عليهم بوكيل ۶
abduh Kuwa yeeshay Eebe ka sokoow owliyo Eebe waa ogyahay korkooda (wuu daalacay) adiguna kama tihid wakiil.
وكذالك اوحينا اليك قرانا عربيا لتنذر ام القرى ومن حولها وتنذر يوم الجمع لا ريب فيه ۚ فريق في الجنة وفريق في السعير ۷
abduh (Sidaan ugu waxyoonay Nabiyadii hore) yaan adigana Nabiyow kuugu waxyoonay Quraan Carabi ah saad ugu digtid Ree Makaad iyo wax ka hareereeya (dadka kale) ugana digtid maalinta kulanka (Qiyaamada) shaki male Maalintaas, kooxi Jannay gali kooxna Jaxiimo.
ولو شاء الله لجعلهم امة واحدة ولاكن يدخل من يشاء في رحمته ۚ والظالمون ما لهم من ولي ولا نصير ۸
abduh Hadduu doono Eebe wuxuu ka yeeli lahaa dadka umad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo Gargaare midna.
ام اتخذوا من دونه اولياء ۖ فالله هو الولي وهو يحيي الموتى وهو على كل شيء قدير ۹
abduh Mise waxay yeesheen Gaaladii Eebe ka sokow awliyo (ay caabudaan) Eebe umbaa wali ah, isagaana nooleeya wixii dhintay, isagaana wax walba kara.
ﯿ
وما اختلفتم فيه من شيء فحكمه الى الله ۚ ذالكم الله ربي عليه توكلت واليه انيب ۱۰
abduh Waxaad isku khilaaftaan oo shay ah Eebaa leh xukunkiisa (loo celin) kaasina waa Eebaha i barbaariya, isagaana tala saartaa, xaggiisaana u noqon.
فاطر السماوات والارض ۚ جعل لكم من انفسكم ازواجا ومن الانعام ازواجا ۖ يذروكم فيه ۚ ليس كمثله شيء ۖ وهو السميع البصير ۱۱
abduh Isagaa abuuray Samooyinka iyo dhulka idiinkana yeelay naftiinna noocyo (Lab iyo Dhaddig) xoolahana idiinka yeelay Noocyo, wuuna idin abuuraa wax la mid ahna ma jiro, waana maqle arka.
له مقاليد السماوات والارض ۖ يبسط الرزق لمن يشاء ويقدر ۚ انه بكل شيء عليم ۱۲
abduh Isagaa iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuuna u fidiyaa Rizqiga ruuxuu doono, wuxuuna ku cidhiidhyaa Cidduu doono, wax walbana waa ogyahay.
ﭿ
۞ شرع لكم من الدين ما وصى به نوحا والذي اوحينا اليك وما وصينا به ابراهيم وموسى وعيسى ۖ ان اقيموا الدين ولا تتفرقوا فيه ۚ كبر على المشركين ما تدعوهم اليه ۚ الله يجتبي اليه من يشاء ويهدي اليه من ينيب ۱۳
abduh Wuxuuna idiin jideeyey xagga Diinta wuxuu u dardaarmay (Nabi) Nuux iyo kaan kuu Waxyoonay adiga iyo waxaan u dardaaranay (Nabi) Ibrahiim (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Ciise inay oogaan Diinta aydaan kuna kala tagin dhexdiisa, waxaa ku waynaaday Gaalada waxaad ugu yeedhi, Eebaa u doorta xaggiisa Cidduu doono una hanuuniya xaggiisa cidduu hanuunin.
وما تفرقوا الا من بعد ما جاءهم العلم بغيا بينهم ۚ ولولا كلمة سبقت من ربك الى اجل مسمى لقضي بينهم ۚ وان الذين اورثوا الكتاب من بعدهم لفي شك منه مريب ۱۴
abduh Mana kala tagin markuu u yimid cilmigu ka dib mooyee, dulmi iyo xasad dartiis, hadayana jirin kalimo Eebahaa ka hormartay oo tan iyo muddo magacaaban (in lasugo) waxaa lakala xukmin lahaa dhexdooda, kuwii la dhaxalsiiyey Kitaabka kadib waxay ku suganyihiin shaki daran.
ﯿ
فلذالك فادع ۖ واستقم كما امرت ۖ ولا تتبع اهواءهم ۖ وقل امنت بما انزل الله من كتاب ۖ وامرت لاعدل بينكم ۖ الله ربنا وربكم ۖ لنا اعمالنا ولكم اعمالكم ۖ لا حجة بيننا وبينكم ۖ الله يجمع بيننا ۖ واليه المصير ۱۵
abduh Waxaas dartiis ugu yeedh Dadka, utoosnawna sidii lagu faray, hana raacin hawadooda, waxaadna dhahdaa waxaan rumeeyey waxa Eebe soo dajiyey oo Kitaab ah, waxaana lay faray inaan u caddaalo falo dhexdiina, Eebana waa Rabbiganno iyo Rabbigiin, waxaa noo sugnaaday waxaan camal fallo, idinkana waxaa idiinsugnaaday waxaad camal fashaan, doodina inama dhextaallo Eebaa kulmin dhexdeena xaggiisaana loo ahaan.
والذين يحاجون في الله من بعد ما استجيب له حجتهم داحضة عند ربهم وعليهم غضب ولهم عذاب شديد ۱۶
abduh Kuwa ku doodaya Eebe intaa la ajiibay kadib xujadoodu waa baadil Eebe agtiisa, korkoodana cadhaa ah, waxaana usugnaaday Cadaab daran,
الله الذي انزل الكتاب بالحق والميزان ۗ وما يدريك لعل الساعة قريب ۱۷
abduh Eebe waa kan u dajiyey Kitaabka si xaq ah iyo miisaan. (caddaalada) mana ogid waxay mudantahay in sacaadda (Qiyaame) dhawdahay.
ﭿ
يستعجل بها الذين لا يومنون بها ۖ والذين امنوا مشفقون منها ويعلمون انها الحق ۗ الا ان الذين يمارون في الساعة لفي ضلال بعيد ۱۸
abduh Waxaa dadajista saacadda kuwaan rumeynin iyafa, kuwa rumeeyayna way ka cabsadaan xaggeeda waxayna ogyihiin inay xaq tahay kuwa ku murmi saacaddana waxay ku suganyihiin baadi cad.
الله لطيف بعباده يرزق من يشاء ۖ وهو القوي العزيز ۱۹
abduh Eebe waa u naxariisbadanaha addoomadiisa wuxuuna arzuqaa cidduu doono, waana xoogbadane adkaade ah.
من كان يريد حرث الاخرة نزد له في حرثه ۖ ومن كان يريد حرث الدنيا نوته منها وما له في الاخرة من نصيب ۲۰
abduh Ruuxii dooni camalka aakhiro waan u siyadinaa camalkiisa, Ruuxiise ah mid dooni camal adduunyo waan ka siinaa xaggeeda, kumana leh aakhiro wax nasiib ah.
ام لهم شركاء شرعوا لهم من الدين ما لم ياذن به الله ۚ ولولا كلمة الفصل لقضي بينهم ۗ وان الظالمين لهم عذاب اليم ۲۱
abduh Mise waxay leeyihiin Gaaladu shurako Eebe oo u Jideeyey diin iyo (xukun) aan Eebe idmin haddayna jirin kalimadda kala bixinta (qiyaamada) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, daalimiintana waxaa u sugnaaday cadaab daran.
ﯿ
ترى الظالمين مشفقين مما كسبوا وهو واقع بهم ۗ والذين امنوا وعملوا الصالحات في روضات الجنات ۖ لهم ما يشاءون عند ربهم ۚ ذالك هو الفضل الكبير ۲۲
abduh Waxaad arkeysaa daalimiinta oo ka cabsan waxay kasbadeen, wuuna ku dhici korkooda, kuwa rumeeyey xaqse oo camalfiican falay waxay gali Beero Janno, waxayna ku leeyihiin waxay doonaan Eebe agtiisa, taasina waa fadli weyn.
ذالك الذي يبشر الله عباده الذين امنوا وعملوا الصالحات ۗ قل لا اسالكم عليه اجرا الا المودة في القربى ۗ ومن يقترف حسنة نزد له فيها حسنا ۚ ان الله غفور شكور ۲۳
abduh kaasi waa midka ugu bishaareyn Eebe addoomihiisa ah kuwa rumeeyey (xaqa) camal fiicanna falay, waxaadna dhahdaa Nabiyooy maydin warsanaayo ujuuro xaqa gaadhsiintiisa oon ahayn jacayl qaraabanimo, ruuxii kasbada wanaagna waxaannu u siyaadin wanaag, Eebana waa dambidhaafe mahdiyo.
ﭿ
ام يقولون افترى على الله كذبا ۖ فان يشا الله يختم على قلبك ۗ ويمح الله الباطل ويحق الحق بكلماته ۚ انه عليم بذات الصدور ۲۴
abduh mise waxay dhihi wuxuu ku been abuurtay Eebe, hadduu doono Eebe wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga, wuxuuna tiraa Eebe xumaanta xaqana wuxuu ku sugaa kalimadiisa (quraanka) Eebana waa ogyahay waxa laabta kusugan.
وهو الذي يقبل التوبة عن عباده ويعفو عن السييات ويعلم ما تفعلون ۲۵
abduh Eebana waa kan aqbala loobada addoomadiisa, kana dhaafa xumaanta ogna Waxaad falaysaan.
ويستجيب الذين امنوا وعملوا الصالحات ويزيدهم من فضله ۚ والكافرون لهم عذاب شديد ۲۶
abduh Ee (Eebana) wuxuu ajiibaa kuwa rumeeyey xaqa oo camal fiican falay wuxuuna u siyaadiyaa fadligiisa, gaalana waxaa usugnaaday cadaab daran.
۞ ولو بسط الله الرزق لعباده لبغوا في الارض ولاكن ينزل بقدر ما يشاء ۚ انه بعباده خبير بصير ۲۷
abduh Hadduu Eebe ufidiyo (waasiciyo) rizqiga addoomadiisa waxay ku kibri lahaayeen dhulka wuxuuse u soodajin qadarkuu doono, Eebana addoomadiisa wuu ogyahay uu arkaa.
وهو الذي ينزل الغيث من بعد ما قنطوا وينشر رحمته ۚ وهو الولي الحميد ۲۸
abduh Eebana waa kan soo dajiya Roobka intay quustaan kadib fidiyana naxariistiisa, waana Eebaha waliga ah (gargare) ee la mahdiyo.
ومن اياته خلق السماوات والارض وما بث فيهما من دابة ۚ وهو على جمعهم اذا يشاء قدير ۲۹
abduh Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah Abuuridda Samooyinka iyo Dhulka iyo wuxuu ku fidiyay (ku abuuray) dhexdooda oo socda, Eebana inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu karaa.
ﯿ
وما اصابكم من مصيبة فبما كسبت ايديكم ويعفو عن كثير ۳۰
abduh Wixii idinku dhaca oo musiiba ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen Gacmihiinu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan.
وما انتم بمعجزين في الارض ۖ وما لكم من دون الله من ولي ولا نصير ۳۱
abduh Mana tihidin kuwo Eebe ku daaliya dhulka dhexdiisa, idiimana sugnaanin isaga ka sokoow Wali iyo Gargaare midna.
ومن اياته الجوار في البحر كالاعلام ۳۲
abduh Calaamooyinka Eebe waxaa ka mid ah Maraakiibta (socota) Badda iyadood moodo buuro.
ان يشا يسكن الريح فيظللن رواكد على ظهره ۚ ان في ذالك لايات لكل صبار شكور ۳۳
abduh Hadduu doono (Eebe) wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) Dabaysha markaasay fadhiistaan Biyaha korkooda, taasina waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo samir iyo mahad badan.
او يوبقهن بما كسبوا ويعف عن كثير ۳۴
abduh Hadduu doonana (Eebe) wuu halaaga Doomaha waxay kasbadeen darteed wax badanna wuu ka cafiyaa.
ويعلم الذين يجادلون في اياتنا ما لهم من محيص ۳۵
abduh Waxayna ogaan kuwa ku murmi aayaadkanaga inuusan u sugnaanin meeley magan galaan.
ﭿ
فما اوتيتم من شيء فمتاع الحياة الدنيا ۖ وما عند الله خير وابقى للذين امنوا وعلى ربهم يتوكلون ۳۶
abduh Wixii laydiin siiyo oo wax ah waa uun nolasha dhaw raaxadeeda waxa Eebe agtiisa ah yaase u khayrbadan una hadhid badan kuwa rumeeyey (xaqa) Eebehoodna tala saarta.
والذين يجتنبون كباير الاثم والفواحش واذا ما غضبوا هم يغفرون ۳۷
abduh kuwaasi waa kuwa ka fogaada dambiga waaweyn iyo xumaanta, markey cadhoodaanna u Cafiya (u dhaafa).
والذين استجابوا لربهم واقاموا الصلاة وامرهم شورى بينهم ومما رزقناهم ينفقون ۳۸
abduh Waana kuwa ajiibay (maqlay) Eebahood oogayna Salaadda amarkooduna tashi yahay dhexdooda waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.
والذين اذا اصابهم البغي هم ينتصرون ۳۹
abduh Waana kuwa marka gardarro (iyo dulmi) ku dhaco gargaarta (iska celiya).
وجزاء سيية سيية مثلها ۖ فمن عفا واصلح فاجره على الله ۚ انه لا يحب الظالمين ۴۰
abduh Xumaan abaalkeeduna waa ku abaal marin mid lamid ah Ruuxiise iska cafiya oo wanaajiya ajrigiisa Eebaa siin, Eebana ma jecla daalimiinta.
ولمن انتصر بعد ظلمه فاولايك ما عليهم من سبيل ۴۱
abduh Ruuxiigargaarta inta la dulmiyey ka dib kuwaas korkooda wax masaarro (jid lagumaleh).
انما السبيل على الذين يظلمون الناس ويبغون في الارض بغير الحق ۚ اولايك لهم عذاب اليم ۴۲
abduh Waxaase dhib saaranyahay uun (jid laguleeyahay) kuwa dulmiya Dadka kuna kibra Dhulka xaq daro, kuwaas waxaa u sugnaaday cadaabdaran.
ﯿ
ولمن صبر وغفر ان ذالك لمن عزم الامور ۴۳
abduh Ruuxii samra oo iska cafiya taasi waa arrin loo qasdo (la jecelyahay).
ومن يضلل الله فما له من ولي من بعده ۗ وترى الظالمين لما راوا العذاب يقولون هل الى مرد من سبيل ۴۴
abduh Ruxii Eebe dhumiyo ma helo sokeeye gadaashiis, waxaadna arkeysaa daalimiintu markey arkaan cadaabka iyagoo leh ma suroobi karaa waddo (hab) loogu noqdo adduunkii.
وتراهم يعرضون عليها خاشعين من الذل ينظرون من طرف خفي ۗ وقال الذين امنوا ان الخاسرين الذين خسروا انفسهم واهليهم يوم القيامة ۗ الا ان الظالمين في عذاب مقيم ۴۵
abduh Waxadna arkeysaa iyagoo loo bandhigi Naarta, oo la khushuucsan dulli, kana dayi wax si Qarsoon, waxayna dhaheen kuwii rumeeyey (xaqa) kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyey naftooda iyo ehelkooda Maalinta Qiyaame, daalimiintuna waxay gali cadaab joogta ah.
ﭿ
وما كان لهم من اولياء ينصرونهم من دون الله ۗ ومن يضلل الله فما له من سبيل ۴۶
abduh Umana sugnaan awliyo (sokeeye) ugargaara Eeve ka sokoow ruux Eebe qaddaray dhumidiisana jid uma sugnaanin (uu ku tooso).
استجيبوا لربكم من قبل ان ياتي يوم لا مرد له من الله ۚ ما لكم من ملجا يوميذ وما لكم من نكير ۴۷
abduh Ajiiba (maqla) Eebihiin ka hor imaatin maalin aan laga celinkarin Eebe, idiinmama sugnaanayo wax la magangalo, Maalintaas, idiinmana sugna gargaare.
فان اعرضوا فما ارسلناك عليهم حفيظا ۖ ان عليك الا البلاغ ۗ وانا اذا اذقنا الانسان منا رحمة فرح بها ۖ وان تصبهم سيية بما قدمت ايديهم فان الانسان كفور ۴۸
abduh Haday jeedsadaane kuuma aanaan dirin inaad ilaaliso korkooda, korkaaga ma aha waxaan gaadhsiin ahayn, markaan dhadhansiino Dadkana naxariis way farxaan «si kibir ah», hadday ku dhacdo xumaan waxay Gacmahoodu hor marsadeen darteed dadkii aadbuu u Gaaloobaa.
لله ملك السماوات والارض ۚ يخلق ما يشاء ۚ يهب لمن يشاء اناثا ويهب لمن يشاء الذكور ۴۹
abduh Eebaa iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa cidduu doono gabdho, cidna wuxuu siiyaa Wiilal.
او يزوجهم ذكرانا واناثا ۖ ويجعل من يشاء عقيما ۚ انه عليم قدير ۵۰
abduh Ama wuu isku lamaaneeyaa Wiilal iyo Gabdho, ruuxuu doonana wuxuu ka yeelaa Mandhaleys Eebana wax og, karana.
ﯿ
۞ وما كان لبشر ان يكلمه الله الا وحيا او من وراء حجاب او يرسل رسولا فيوحي باذنه ما يشاء ۚ انه علي حكيم ۵۱
abduh Uma suurawdo Dad inuu Eebe la hadlo waxyi mooyee, ama kala hadlo xijaab gadaashiis, ama uu u soo diro farriin (Malag), oo markaas ugu waxyooda idamka Eebe wuxuu doono, Eebana waa sarreeye falsan.
وكذالك اوحينا اليك روحا من امرنا ۚ ما كنت تدري ما الكتاب ولا الايمان ولاكن جعلناه نورا نهدي به من نشاء من عبادنا ۚ وانك لتهدي الى صراط مستقيم ۵۲
abduh Saasaannu kuugu waxyoonay nolol amarkanaga ah (Quraanka) maadan aqoonin Kitaab wuxuu yahay iyo Iimaan midna, laakiin waxaan ka yeellay Nuur aannu ku hanuunino ciddaan doono oo addoomadanada ka mid ah, adiguna Nabiyow waxaad ku hanuunin jidka toosan.
ﭿ
صراط الله الذي له ما في السماوات وما في الارض ۗ الا الى الله تصير الامور ۵۳
abduh Jidka Eebaha iska leh xukunka waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan xagga Eebeyna u ahaan umuuruhu.
مشاری راشد العفاسی
قرآن - سوره ۴۲ شوری - آیه ۱
مشاری راشد العفاسی ترتیل
حالت پخش
تکرار آیه
مکث
اسکرول خودکار

باید بخوانید

اپ سلام قرآن

اپ شماره یک قرآن در کره زمین

اپ سلام قرآن
لطفا برای بهرمندی از تجربه مطلوب‌تر از مرورگرهای مطرح استفاده کنید.