سوره‌ها

جزء

بسم الله الرحمن الرحیم

هل اتى على الانسان حين من الدهر لم يكن شييا مذكورا ۱
abduh Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
انا خلقنا الانسان من نطفة امشاج نبتليه فجعلناه سميعا بصيرا ۲
abduh Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
انا هديناه السبيل اما شاكرا واما كفورا ۳
abduh Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
ﯿ
انا اعتدنا للكافرين سلاسل واغلالا وسعيرا ۴
abduh Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
ان الابرار يشربون من كاس كان مزاجها كافورا ۵
abduh kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
عينا يشرب بها عباد الله يفجرونها تفجيرا ۶
abduh Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
يوفون بالنذر ويخافون يوما كان شره مستطيرا ۷
abduh Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
ويطعمون الطعام على حبه مسكينا ويتيما واسيرا ۸
abduh Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
انما نطعمكم لوجه الله لا نريد منكم جزاء ولا شكورا ۹
abduh Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
انا نخاف من ربنا يوما عبوسا قمطريرا ۱۰
abduh Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
ﭿ
فوقاهم الله شر ذالك اليوم ولقاهم نضرة وسرورا ۱۱
abduh Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
وجزاهم بما صبروا جنة وحريرا ۱۲
abduh Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
متكيين فيها على الارايك ۖ لا يرون فيها شمسا ولا زمهريرا ۱۳
abduh Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
ودانية عليهم ظلالها وذللت قطوفها تذليلا ۱۴
abduh Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
ويطاف عليهم بانية من فضة واكواب كانت قواريرا ۱۵
abduh Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
قوارير من فضة قدروها تقديرا ۱۶
abduh Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
ويسقون فيها كاسا كان مزاجها زنجبيلا ۱۷
abduh Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
عينا فيها تسمى سلسبيلا ۱۸
abduh Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
۞ ويطوف عليهم ولدان مخلدون اذا رايتهم حسبتهم لولوا منثورا ۱۹
abduh Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
واذا رايت ثم رايت نعيما وملكا كبيرا ۲۰
abduh Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
عاليهم ثياب سندس خضر واستبرق ۖ وحلوا اساور من فضة وسقاهم ربهم شرابا طهورا ۲۱
abduh Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
ﯿ
ان هاذا كان لكم جزاء وكان سعيكم مشكورا ۲۲
abduh Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
انا نحن نزلنا عليك القران تنزيلا ۲۳
abduh Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
فاصبر لحكم ربك ولا تطع منهم اثما او كفورا ۲۴
abduh Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
واذكر اسم ربك بكرة واصيلا ۲۵
abduh Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.
ومن الليل فاسجد له وسبحه ليلا طويلا ۲۶
abduh Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
ان هاولاء يحبون العاجلة ويذرون وراءهم يوما ثقيلا ۲۷
abduh Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
نحن خلقناهم وشددنا اسرهم ۖ واذا شينا بدلنا امثالهم تبديلا ۲۸
abduh Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
ان هاذه تذكرة ۖ فمن شاء اتخذ الى ربه سبيلا ۲۹
abduh Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
ﭿ
وما تشاءون الا ان يشاء الله ۚ ان الله كان عليما حكيما ۳۰
abduh Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
يدخل من يشاء في رحمته ۚ والظالمين اعد لهم عذابا اليما ۳۱
abduh Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.
مشاری راشد العفاسی
قرآن - سوره ۷۶ انسان - آیه ۱
مشاری راشد العفاسی ترتیل
حالت پخش
تکرار آیه
مکث
اسکرول خودکار

باید بخوانید

اپ سلام قرآن

اپ شماره یک قرآن در کره زمین

اپ سلام قرآن
لطفا برای بهرمندی از تجربه مطلوب‌تر از مرورگرهای مطرح استفاده کنید.